Video:-Muxuu yahay sharciga doorasho Ee Baarlamaanku ansixiyay?

Golaha Shacabka Baarlamaanka Fadaraalka Soomaliya,ayaa maanta ansixiyay Sharciga doorashooyinka Qaranka Soomaliya Kaasoo ay wax kabadal ay ku sameeyeen

Sharcigan maanta la marsiiyay akhrinta 3aad ayay Xildhibaannada si weyn uga doodeen qodobka 53-aad ee sharciga oo dhigaya haddii duruufi amni, xaalado aafooyin dhacaan iyo arrimo farsamo doorashada dib ugu dhacdo in lix bilood muddo kororsi ay dhici doonto.

Qodobkan,ayaa ahaa mid si weyn Xildhibaannada uga soo horjeedeen, waxaana ay soo jeediyeen in laga saaro qodobkan gebi ahaantiisa.

Fadhiga Xildhibaannada ay maanta yeesheen,ayaa waxay ugu dambeyn ku ansixiyeen illaa 171-Xildhinaan, halka 5 Xildhibaan ay diiday, waxaana ka aamustay 2 -Xildhibaan.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in meesha uu ka baxay sharcigii Madaxtooyada gadaal ay ka riixeysay ee ahaa Mataaladda dheelitiran ee Liiska xiran oo ah hal Deegaan doorasho.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fadaraalka,ayaa lagu wadaa in loo gudbiyo sharcigan si loo ansixiyo, hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka