War deg-deg ah:-Baarlamaanka Fadaraalka Oo meel mariyay sharciga Doorashooyinka

Xildhibaanada Golaha Shacabka,ayaa goor dhowayd meel-mariyey sharcigii doorashooyinka Qaranka heer federaal, ee dhowaanahan ay ka doodayeen.

Inta aan la meel-marin sharciga, ayaa waxaa saxitaan lagu sameeyay qodobada ka hadlayay mudo kordhinta loo samayn karo Baarlamaanka iyo arrimaha Somaliland.

Sharciga,ayaa waxaa u codeysay 171-Xildhibaan.