Dhismaha garoonka cusub Ee diyaaradaha Gaalkacyo Oo laga xaajoonayo

Shir looga xaajoonayo dhismaha garoonka cusub ee Gaalkacyo,ayaa saakay qabsoomay.

Shirkan waxaa soo abaabulay siyaasiyiinta Gobolka iyo Waxgarad,waxaana qorshuhu yahay in lagu shaaciyo dhulkii loogu talagalay dhismaha Garoonka in uu diyaar yahay wax walba oo jirayna la dhameeyay.

Waxaa shirka jooga Wasiirka Duulista Wasiirka Howlaha Guud Wasiirka Arimaha Gudaha iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda PL ah.

Sidoo kale Isimada Gobolka,ayaa fadhiya Shirka marka laga saaro Islaan Bashiir oo xanuunsaday,balse raali ka ah.

Saacadaha soo socda,ayaan idinla wadaagayaa qodobada kasoo baxa iyo sawirada.

Jibril Qoobey.