Faallo:Ma Khayraa ku adkaaday sharcigii doorashada?

Shalay waxay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Fadaraaliga ah sharci doorasho.

Sharcigan waxay xigmadiisa ay Dadku si faseexa ufahmi karaan ay tahay in doorashada soo soo socota lagu galo nidaam oranaya hal qof iyo hal cod lagu daray 4.5.

Nidaamkaasi waxuu leeyahay Xildhibaanka waxaa soo dooranaya shacabka Deegaan doorashadiisa,iyadoo la tixgalinayo wax qaybsiga 4.5.

Marka la jilciyo waxay noqonaysaa in Xildhibaanada sidii horay loogu qaybsan jiray nidaamka 4.5 loogu qaybsado guud ahaan,hadana Xildhibaan walba Deegaanka uu kasoo jeedo uu ku galo doorasho.

Tusaale”

501-Qof oo ka kooban 200 oo beesha uu ka dhashay Xildhibaanka iyo 301 Dadka kale ee Deegaanka ladaga ah,ayaa dooranaya Xildhibaanka,waxaana ku tartami kara booskaas intii la doono oo musharaxiina,balse isku beel ah.

Nidaamkan waxaa dabada ka riixaya sida aan xogta ku helay Midowga Yurub oo ugu yaraan quudaraynaya in waxuun matalaad shacab ah la helo.

Farmaajo iyo sharcigan!!

Madaxweyne Farmaajo oo ay kooxaha taageersan ka dhaadhiciyeen shacabkaa ku jecel oo doorasho toos ah haday hirgasho aday ku dooranayaan,ayaa markii hore soo qadimay sharcigan oo salkiisu ahaa in doorasho hal qof iyo hal cod ah ay dhacdo.

Balse isfahan khidadaysnaa oo dhexmaray Gudoonka Baarlamaanka iyo Rw Khayre waxuu sababay in dhanka kale loogu wareejiyo Farmaajo sharcigii uu keenayna intii wax ka badal isaga hankiisa kasoo horjeeda lagu sameeyo la ansaxsado.

Halkaas waxaa kusoo xirmay rajadii yarayd ee awalba ku dhisnayd khiyaaliga ee Farmaajo.

Farmaajo waxaa ufuran sadex arimood oo ay tahay in midkood uu ku dhaqaaqo…

B.In uu iscasilo Somalina yiraahdo aayihiina ka tashta.

T.In uu deg-deg Jubaland u aqoonsado una dhiso madashii hogaamiyayaasha dalka.

J.In uu madiidin usii ahaado sanadka haray Rw Khayre.

Khayre iyo sharcigan!!

Khayre horay waxuu Farmaajo uga dhaadhiciyay in hada aysan ku dhaqaaqin abuurista Xisbi Xukuumadu leedahay,isla markaana aysan ku mashquulin udiyaar garowga doorasho qof iyo cod ah.

Taa badalkeeda ay ku dhaqaaqaan la dagaalanka Dowlad Goboleedyada iyo hirgalinta Dowlad awoodeedu caasimada taalo fikirkaas oo Farmaajo la qaatay.

Khayre aragtidan waxuu ka lahaa laba arimood oo kala ahaa..

B.In uu wakhtiga lumiyo iskana horkeeno Farmaajo iyo cid walba gudo iyo dibadba.

T.In uu fashiliyo nidaamka doorasho qof iyo cod oo uu aamisan yahay in aysan ugu badin sababo jira awgood.

Khayre qorshahaas waa ku guulaystay 3-sano kadib waxuu gaaray hadafkiisii,waxaana soo baxay wakhtigii oo lumay iyo Farmaajo oo laga nacay dibad iyo gudo loona aqoonsaday hogaamiye fashilmay oo aan waxba soo kordhin mudo xileedkiisii..

Khayre si cad,ayuu Farmaajo ugu sheegay in ay ku guuldaraysteen qorshahoodii haatana aysan macquul ahayn doorasho qof iyo cod ah.

Farmaajo oo hadalkaas aad uga carooday,ayaa ku diiday aragtidaas kuna adkaystay in ay qabsoomi karto sidaa daraadeedna uu golaha Wasiirada horgeeyo marsiiyana qorshaha lagu galayo doorasho qof iyo cod ah.

Khayre waa ka aqbalay soo jeedinta Farmaajo waxuuna marsiiyay golaha Wasiirada qorshihiisii,balse baarlamaanka ,ayuu isbaaro qarsoon ugu dhigtay isagoo adeegsaday Mursal iyo Muudeey.

Sharcigii Farmaajo uu keenay golaha Wasiiraduna usii daayeen,waxuu ku danbeeyay in Baarlamaanku ansixiyo isagoo hanka Khayre baritaaraya laguna soo afmeeray hankii Farmaajo.

Khayre qorshihiisii wajigii koobaad waa ku guulaystay,waxuuna guda galayaa wajigii labaad oo uu rabo in sanadka haray uu sii lumiyo fursadaha doorasho lagu aadi karo,isla markaana ugu danbayn Baarlamaanka hada jooga mudada loo kordhiyo lana kala diro Xukuumada.

Khayre Baarlamaanka hada jooga waxuu ka haystaa aqlabiyad gaaraysa 177-cod.

Sidoo kale maamulada Hir-Shabelle iyo Koonfur-Galbeec isagay ujanjeeraan.

Loolanka xiligan uu wajahayo waa Puntland oo ay Jubaland ku lamaansan tahay.

Beesha caalamka iyo Sharcigan!!

Beesha caalamka saamaynta ku leh siyaasada Somaliya waxaa ugu miisaan culus labada quwadood ee Maraykanka iyo Midowga Yurub.

Maraykanku makala jecla noocii doorasho ee Somalidu qaadanayso,waxuuna uba arkaa kuwa Alshabaab ku jira iyo kuwa banaanka ka jooga in aysan wax badan is dhaamin.

Maraykanku waxuu xooga saaray arimaha amaanka,dayn cafinta iyo baarashada khayraadka dabiiciga ee Somalida.

Midowga Yurub way uga dabacsan yihiin Somalida markii Maraykanka la ag dhigo oo waxay taageeraan barnaamijyada gargaarka,horumarinta iyo maamul wanaaga.

Midowga Yurub waxay qabaan in nidaam doorasho oo qof iyo cod ah laga hirgaliyo Somaliya.

Sharcigan baarlamaanku ansixiyay kuma wada qanacsana balse waxay u arkaan talaabo horay loo qaaday oo mudada hartayna laga sii wada xaajoodo ugu danbayna isagoo meelo badan la gacmo-gacmeeyay lagu galo doorasho.

Danta guud iyo Sharciga!!

Sharcigan marka laga fiiriyo dhinacyo kala duwan laguna eego hal beeg dan guud waa isku jir khatar iyo baritaar.

1.Sharcigan Farmaajo wuu ka diiday in Madaxweyanaha Shacabku soo doorto. Soomaliya waa Dal Baarlamaani ah Madaxweynaha waxaa dooranaya labada Aqal.

2.Sharcigu wuxuu isku qasayaa 4.5 iyo Hal qof iyo Hal cod.

3.Sharciga wadatashigii Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraaliga ah,ayaa ka maqan.

4.Sharcigu waxuu soo jeediyey wakhti kordhin 6-bilood ah,waana khatar keeni karta in intaas ka badan lagu daro!!

Isku soo wada duuboo Kubada doorasho waxay xiligan dhextaala Khayre iyo Deni.

Jibril Qoobey.