Waftiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Oo ugudbay Badhan

Waftigii uu hogaaminayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,ayaa ugudbay Badhan xarunta Gobolka Sanaag.

Ka hor inta aysan gudbin Gudoomiyahaha iyo waftigiisa,waxay sii mareen Deegaanka Midigaar oo 40-Km ujira Badhan.

Wararka aan ka helayno booqashada Gudoomiyaha ee Gobolada Sanaag iyo Haylaan,ayaa sheegaya in Gudoomiyaha uu kala kulmay Midigaar mudaahaaraad iyo Rasaasayn kooban oo khasaare dhaawac ah dhalisay.

Gudoomiyaha iyo waftigiisa oo saakay goor hore ka anba baxay Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan,ayaa qulqulato dhexmartay ilaaladiisa iyo Maleeshiyo jidgooyo ku samaysay.

Arbushkan waxaa la malaynayaa in uu ka danbeeyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Cabdixakiin Dhoobo,kaasoo ka caraysan xilka qaadistii lagu sameeyay.