Dowladnimada Soomaliya waxaa hortaagan???

Dowladnimada Soomaliya waxaa hortaagan!!

  1. Kala go’a Dalka (Arrinta Soomaliland).
  2. Xagjirnimo Qabyaaladeed iyo Goboleysi xad dhaaf ah.
  3. Xagjirnimo Siyaasadeed oo xad dhaaf ah.
  4. Maqnaansho Hogaamin Dalka Dhaafisa saddexdaa musiibo ee aan kor kusoo xusay.

Dhibaatooyinkaasi waxay wiiqeen wadajirka Bulshanimo (Fabric of the Society), waxayna sababeen…

T) Amni kala qeybsan, waxaa ka faaiideystay Cadowga Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan qawlaysata Alshabab.

J) Dhaqaale kala qeybsan (canshuuraha), waxaa ku wiiqmay heykalkii Dowladnimo .

X) Siyaasad kala qeybsan waxay keentay fashil joogta ah oo hor taagan jiheynta mustaqbalka dalka sida..Doorasho la’aan iyo Mugdi joogto ah halka loo dhaqaaqayo oo mar walba ku dhamaata 4.5 la maldahay.

Waxaa haboon in Dadka Soomaliyeed is weydiiyaan waxa khaldamay, kana heshiiyaan si loogu gudbo Dowladnimo rasmi ah.

Wabilaahi Towfiiq,

WQ.Burhan Dio Mio