Maxaabiis Alshabaab ah Oo ka baxsaday Xabsiga Xamar

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Saddex Maxbuus oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho,ayaa maanta baxsaday, sida ay sheegayaan warar ay heshay laanta Af-Soomaaliga.

Warka ayaa intaas ku daraya in mid ka mid ahaa maxaabiista dib loo soo qabtay, balse weli ay maqan yihiin labada kale.

Xubnaha baxsaday ayaa sidoo kale wararka ay sheegayaan inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab, islamarkaana horey loogu riday xukunno.