Puntland Oo weli ka aamusan sharciga doorashooyinka!!

Dowlada Puntland ee xubinta ka ah Dowlada Fadaraaliga ah ee Somaliyed wali wax hadal ah kama soo saarin sharciga golaha shacabka Fadaraalku ansixiyay ee ku saabsan hanaanka lagu galayo doorashada 2020-21.

Madaxtooyada Puntland ilaa iyo hada wax jawaab ah oo ku aadan sharcigaas lagama hayo.

Wasaarada Dastuurka iyo arimaha Fadaraalka kama aysan hadlin sharcigaas iyo qorshe kale midna.

Sidoo kale Gudiga sare ee lataliyayaasha Madaxtooyada kama hadlin arinkan, sida aan xogta ku helayna Madaxweynuhu kumaba soo qaadin arinkaas,iyaguna fursad ay ugu gudbiyeen taladooda kama helin.

Madaxweyne Deni markii uu ka hadlayay kulankii PDRC waxuu sheegay in uu kasoo horjeedo sharciga Baarlamaanka horyaala,balse masoo gudbin waxa uga qorshaysan ama uu ku badalayo.

Deni iyo Xukuumadiisa waxaa looga fadhiyaa in ay soo gudbiyaan qorshaha doorasho ee ay uhayaan Umada oo ay mawqifkooda bayaaniyaan.

Dowlada Puntland waa fursada kaliya ee ulay haysato Bulshada Somaliyed ee ka hortagi karta qorshaha khatartiisa leh ee Rw Khayre

Jibril Qoobey.