Swan iyo Safiirka imaaraadka Oo Muqdisho ku kulmay

Kulanka labada diblomaasi waxuu kusoo aadayaa xili Wargeysyada Turkiga ay masuuliyada Qaraxii Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho dusha usaareen Dwolada Imaaraadka Carabta.

Nisa oo ah hay’ada sirdoonka uqaabilsan Dowlada Fadaraalka Somaliya ee taageerada xoogan ka hesha Dowlada Qadar ama la oran karo waxay si dadban unoqotay xarun ay Muqdisho ku leeyihiin sirdoonka Qadar,ayaa sheegtay in qaraxaas dal shisheeye ka danbeeyay,inkastoo aysan magac dhabin.

Kulanka James Swan iyo Safiirka Imaaraadka ee Muqdisho si hoose looma oga waxa ay kawada hadleen.

Dowladaha Fadaraalka Soomaaliya iyo Dowlada Imaaraadka Carabta,ayaa xiligaan xiriirkoodu kasoo kabanayaa mudo uu xumaa,kadib markii Garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu qabatay lacag dhan 10-Milyan oo Dolla,taasoo laga lahaa dalka isutaga Imaaraadka carabta.