Xisbiyada Muqdisho”Warbixinta NISA waa marin habaabin loogu adeegayo danaystayaal shisheeye”

War murtiyeedka ka soo baxay Madasha Xisbiyada Muqdisho,ayaa lagu sheegay in warkii NISA uu ahaa mid marin habaabin ah oo aan caddeyn dhab ah wadan,isla markaana lagu qanci karo, una muuqda mid xaqiiqda jirta lagu daboolayo, lagana leeyahay ujeeddooyin qarsoon oo lagu raalli gelinayo daneystayaal shisheeye oo qeyb ka ah loolanka awooddeed ee ka dhaxeeya wadamada danaha istiraatiijiyadeed ka leh Gobolka, gaar ahaan Soomaaliya.

Madasha,ayaa tilmaamay in macluumaadka ay bixisay Hey’adda NISA uu meel ka dhac ku yahay maqaamka Hey’adda taasoo laga filayay in ay noqoto mid karti u leh inay heli karto xogo laga baaraan degay oo xaqiiqo ku dhisan.

Madasha,ayaa ugu baaqday Baarlamaanka Federaalka in ay qaataan kaalintooda ku aadan kor-joogteynta iyo la xisaabtanka lana baaro, isla markaana guddi loo saaro qaraxii ka dhacay Ex Koontarool Afgooye.

Halkan ka akhriso:-