Video:-Banaanbax looga soo horjeedo Qaraxii ex-Control

Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo qaraxii sabtidii la soo dhaafay ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye,ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wararku waxay sheegayaan in banaanbaxa lagu qabtay dugsiga tababarka booliska Jeneral Kaahiye ee Muqdisho.

Banaanbaxa waxaa soo agaasimay maamulka Gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb-galay boqolaal dadweyne ah oo ka kala socday degmooyinka Gobolka, kuwaas oo boorar ay wateen ku muujinayey dareenkooda ku aaddan qaraxyada lagu gumaado shacabka.

Maamulka gobolka Banaadir,ayaa sheegay in banaanbaxan uu yahay mid ay ugu baroordiiqayaan shacabkii lagu xasuuqay weerarkii qarax ee sabtidii ka dhacay isgoyska Ex-Control,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka