Natanyahu Oo dalbaday Xasaanad

Ra’iisulwasaaraha Maamulka Israel Benjamin Netanyahu ayaa ka dalbaday Baarlamaanka Yahuuda xasaanad, si uu uga gaashanto eedo la xiriira laaluush, musuqmaasuq iyo ku xadgudubka kalsoonida, taas oo dhowaan ay kusoo oogtay xeer ilaalintu.

Ra’iisulwasaare Netanyahu ayaa u gudbiyay Baarlamaanka codsigiisa Xasaanadda saacadihii dambe ee Arbacada, isaga oo sheegay in uu qorsheynayo hogaaminta dalka “sanado badan oo soo socda.”

“Sharciga xasaanad waxaa looga golleeyahay in laga ilaaliyo masuuliyiinta la soo doortay dacwad sharciyeed been abuur ah – laga soo qaado sheegashada siyaasadeed ee loogu talagalay in lagu waxyeeleeyo rabitaanka dadka iyo doonista culimada sharciga” ayuu Netanyahu ku yiri hadal uu telefishanka ka jeediyay fiidnimadii Arbacada.

Eedeymaha loo haysto Netanyahu ayaa la soo saaray bishii Nofeembar. Wuxuuna ku sii adkeystay inuu yahay qof aan dambi lahayn, isagoo ugu yeeray “isku day afgambi” oo ay hogaaminayaan bidixda iyo warbaahinta.

Radio Puntland