Video:-Banaanbax looga soo horjeedo Dowlada Oo ka dhacay Ex-Control Afgooye

Bannanbax labaad oo rabshado wata ayaa ka socda magaalada Muqdisho, kadib markii dadweyne careysan isugu soo baxeen isgoyska Ex. Kontrol Afgooye ee qaraxu ka dhacay.

Dadka bannaanbaxaya ayaa xiray jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, waxayna dhagxaan ku shidayaan Gaarigii isku daya inuu wadadaasi maro, iyado gubaya lugaha baabuurta.

Dadka banaanbaxa wada,ayaa sheegay inay ka horjeedaan ciidamada dowladda oo Jiingad ku xiray goobtii ay ganacsiyada ku lahaayeen ee Ex. Koontrol Afgooye Qaraxa kadib, ayna tuhunsan yihin in dowladda ay la wareegeyso si ay ganacsato kale u siiso.

Bannaanbaxayaasha ayaa markii dambe ku dhawaaqayay ereyo ay uga so horjeedaan madaxda Dowlada Fadaraalka Soomaaliya, iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ay ka mid yihiin: “FARMAAJO DOONI MEYNO’.hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka