Video:-Gaarisa iyo Jubaland Oo iskaashanaya

Shirkan oo ay kasoo qayb galeen Waxgarad, Culimo’awdiinka, Aqoonyahanada Garissa iyo qaar kamid ah wasiiradda is-maamulka Gaarissa ayaa dhanka Jubbaland waxaa uga qayb galay masuuliyiin isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno, Guddoomiyeyaal degmo iyo ganacsato.

Muhiimadda shirku waxay ahayd in la xoojiyo midnimada iyo wadajirka labada gobol iyo in dadka Soomaaliyeed ee deggan Kenya iyo Dowladaba looga mahadceliyo marti gelinta iyo soo dhoweynta ay u sameeyeen qaxootiga Soomaaliyeed.

Masuuliyiinta Jubbaland uga qayb galay kulanka waxaa kamid ahaa Wasiirka Waxbarashada Jubaland Maxamed Ibraahim Maxamuud, wasiir kuxigeenka Caddaaladda Jubbaland Aadan Iinshaar Cumar, Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin iyo masuuliyiin kale oo isugu jira Xildhibaanno iyo Guddoomieyaal degmo.

In la isku furo ganacsiga labada gobol ee Jubbaland iyo Is-maamulka Gaarissa ayaa qayb ka ahayd qodobada looga hadlay shirka labada dhinac, waxaana isla qaatay inarrintaasi la dhaqan geliyo, sidaasna waxaa Jubbaland TV u xaqiijiyey Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin

Qaar kamid ah Waxgaradka iyo culimada is-maamulka Gaarisa oo shirka hadallo ka jeediyey ayaa Dowladda Kenya ka codsaday in gacan ka siiso sidii ay iskaashi dhinacyo kala duwan ah u samayn lahaayeen labada gobol, codsigooda waxaa kamid ahaa in Dowladda Kenya ay furto xadka labada dal.

Wasiirka Waxbarashada Jubaland Maxamed Ibraahim Maxamuud oo markii shirku soo dhamaaday hadal jeediyey ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay faragelinta ka dayso Jubbaland islamarkaana wada-hadal lagu dhameeyo khilaafaadka taagan,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka