Wadooyinka muhiimka ah Ee Muqdisho Oo xiran saakay

Ciidanka amniga ayaa saaka xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho, oo la filayo inuu maanta ka dhaco banana-bax balaaran oo lagaga soo hor-jeedo kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Banaan-baxan oo uu maalin kahor uu iclaamiyay Maamulka Gobalka Banaadir, ayaa ka qabsoomaya xerada tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Gen. Kaahiye, waxaana ka qeyb-galaya Masuuliyiinka Dowladda Federaalka, Maamulka Gobalka, Ururada dhalinyarada iyo Haween iyo qeybaha kala duwan Shacabka Caasimadda.

Banaan-baxan ayaa ah mid looga soo hor-jeedo gumaadka ay Argagixisada Al-Shabaab ku heyso Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qarixii dhowaan ka dhacay Isgoyska Afgooye.

Radio Puntland