Aqalka Sare oo guddi u saaray Sharciga Doorashooyinka Qaranka (Akhriso)

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabay Guddi ka shaqeyn doona Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo dhowaan la horgeyn doono Xildhibaanada Aqalka Sare.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu magacaabay Guddigan oo ka kooban 7-xubnood oo dhamaantood ka tirsan Mudanaaysha Aqalka sare.

Guddigan ayaa ka shaqeyn doona sidii Aqalka Sare loo horgeyn lahaa Sharciga Doorashooyinka Qaranka, waxayna dood adag ka yeelan doona sharcigan oo ay dhowaan soo ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.