Odayaasha Gobalka Mudug oo baaq kasoo saaray colaada miyiga+VIDEO

Guddiga Odayaasha ah ee ka shaqeeya nabadgelyada Gobolka Mudug oo shir muddo saddex maalin ah uga socday Magaalada Gaalkacyo ayaa soo saaray baaq ku aadan Colaada miyiga Gobolka Mudug.

Guddiga Odayaasha oo ka kooban Waxgaradka Gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayna ku wehlinayeen Shirka Maamulka Gobalka ee Labada dhinac, ayaa loogu baaqay Beelaha Gobalka, gaar ahaan reer miyaga inay joojiyaan dagaalada kusoo lab-laabtay Miyaga Gobalka Mudug.

Sidoo kale, Odayaasha Gobalka Mudug ayaa iclaamiyay shirar balaaran oo looga tashanayo nabadda Gobalka, laguna qabanayo “Bariga iyo Galbeedka” iyagoona ugu baaqay Dadka labada dhinac inay kasoo qeyb-galaan.