Sheekh Shariif: Soomaaliya waxay maanta joogtaa meel halis ah+VIDEO

Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG aheyd we Soomaaliya ahna Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyadda Qaranka Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in maanta dalka uu baahan yahay isbadel maamul, islamarkaana laga doonaayo dadka Soomaaliyeed in ay hormuud ka noqdaan.

Sheekh Shariif oo ku sugan Magaalada London lana hadlayay Jaaliyadda Soomaalyeed ee UK ayaa sheegay in maanta Soomaaliya ay joogto meel aad halis ah, una baahan hoggaan ka duwan Midka hadda jira oo leh Karti horumarineed, isagoona intaas ku daray in hadii uu dhici waayo isbadel uu Mustaqbalka Soomaaliya  ku jiro Xaalad mugdi ah.

Ugu dambeyntii, EX Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed Midnimo iyo wadajir ah, maadaama uu sheegay in Al-Shabaab ay kordhiyeen Weerarada ka dhanka ah.