Taliyaha Guud ee Ciidanka Jubbaland oo sheegay inay soo afjarayaan Al-Shabaab+VIDEO

Taliyaha Guud ee Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland Gen. Aadan Maxamuud Ibraahim ayaa faahfaahin ka bixiyay Xaaladda degaano dhawaan Ciidanka Jubbaland ay kala wareegeen  Al- Shabaab ee ka tirsan Gobolka Jubbada hoose.

Taliyaha ayaa sheegay in nolosha dadka ay kusoo noqotay sidii caadiga aheyd oo ay helaan dhamaan adeegyada aas-aasiga ah ee nolosha, sida Waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha, Aminigoodana ay sugaan Ciidanka Dowlad goboleedka Jubbaland.

Ugu dambeyntii, Gen. Aadan Maxamuud ayaa sheegay in goobaha kale ee weli gacanta ugu jira Al-Shabaab laga saari doono sanadkan, islamarkaana Ciidanka Jubbaland ay qaadi doonaan howlgal ballaaran, isagoona tilmaamay in Ciidanka Jubbaland loo dhameystiray qalabkii ay kula dagaallami lahaayeen Al-Shabaab.

Deegaanada Cabdale Biroole, Buulo-gaduud, Yoontooy, Baarsanguuni, Wirkooy, Singalayr iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose ayaa kamid ah goobaha laga saaray Al-Shabaab.