Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Saldhig ay lee yihiin Ciidanka Kenya

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa aroortii saaka weerar culus ku qaaday Saldhig Ciidamada Dowladda Kenya kaga sugan yihiin Xerada SIMBA kuna yaalla deegaanka “Manda Bay” ee Gobolka Lamu.

Weerarka kadib ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dagaal culus oo in ka badan saacad ka socdey Saldhiga la weeraray, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas ay ku geeryoodeen Askar kamid Ciidanka Kenya, waxaana sidoo kale waxyeelo soo gaartay Gaadiid Xerada yaallay,  sida ay tabisay Qaar kamid Warbaahinta ka howlgasha gudaha Dalka Kenya.

Dowladda Kenya weli kama hadlin weerarka lagu qaadey Saldhig Ciidamadooda ku sugan yihiin ee ku yaalla Gobolka lamu, waxaana la filayo in saacadaha soo socda ay faah faahin ka bixiyaan.

Dhanka kale, Kooxda Al-Shabaab ayaa Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku daabaceen in Saldhigaas ay si wadajir ah ugu wada sugan yihiin Ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykan, waxaana weerarkan uu imaanaya xilli todobaadkii hore la weeraray Afar Bas oo ka yimid Magaalada Mombasa kuna sii jeeday Gobolka lamu.