Baarlamaanka Ciraaq oo dalbaday in Ciidanka Ajnabiga ah ay ka baxaan Dalkooda.

Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa ansixiyey qaraar ku baaqaya in ciidamada ajnabiga ah ay ka baxaan Ciraaq, xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda ka dhalatay dilkii uu Mareykanku todobaadkii hore gudaha Ciraaq ugu geystay taliyihii ciidanka Qudus ee Ilaalada Kacaanka Iran Jeneraal Qaasim Suleymaani.

Mudanayaasha Baarlamaanka Ciraaq ayaa sidoo kale isku raacay in barriga, badda iyo hawada Ciraaq laga mamnuuco dhammaan xoogagga ajnabiga ah.

Qaraarkan baarlamaanka ayaa ugu baaqay xukuumadda Ra’isulwasaare Caadil Cabdul-Mahdi iney xaqiijiso soo gaba gabeynta joogista dhamaan ciidamada ajnabiga ah ee ku sugan Ciraq.

“Baarlamaanku waxa uu u codeeyey in ay xukuumaddu Ciraaq ay ballan qaaddo iney ka laabato codsigeedii ay ku dalbatay in ciidamada isbahaysiga caalamiga ah ay ka caawiyaan la dagaalanka Daacish,” ayuu yiri Afhayeenka Baarlamaanka Ciraaq Maxammed Xalbusi.

Mareykanka ayaa waxaa Ciraaq ka jooga ciidamo gaaraya 5,200 oo askari. Lama oga xilliga ay ka bixi doonaan Ciraaq.

Mareykanka ayaa Jimcadii la soo dhaafay dilay Jeneraal Qaasim Suleymaani oo ahaa maskaxdii ka danbeysay in Iran ay saameyn ballaaran ku yeelato dalalka Ciraaq, Suuriya iyo Lubnaan.

Iran ayaa sheegtay in ay ka aargudan doonto Mareykanka dilkaasi ay u gaysteen Suleymaani oo lagu sheego inuu ahaa qofka labaad ee ugu saameyn badnaa Iran.

Laakin madaxweyne Trump ayaa ka digay aargudashada dilka Suleymani, isaga oo wacad ku maray in Mareykanku uu beegsan doono 52 bartilmaameed oo Iran ku yaalla, haddii ay Iran ay far u qaaddo danaha Mareykanka.