Boosaaso: Maxkamadda darajada 1-aad ee Bari oo go,aan ka gaareysa Kiiska Siyaasiyiin iyo Odayaal+Sawirro

Maxkamada Darajada 1-aad ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ka socota Maxkamadeynta Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaliiley xukuumadda Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Dadka Maxkamdeyntu ku socoto ayaa waxaa kamid ah Siyaasi Muuse Cali jaamac iyo odoyaal, kuwaas oo lagu eedeeyey inay ku xadgudbeen sharciga iyo kala dambaynta Puntland ayna gacmaha kula jireen abaabul iyo kicin dadweyne.

1-dii Bishan Janaayo ayaa markii ugu horeysay Siyaasiyiinta iyo Odayaasha la soo taagay Maxkamada Darajada 1-aad ee Gobolka Bari, waxaana halkaasi lagu dhageystay Gar-maqalka dacwadda loo haysto, Maxkamadda ayaana la filayaa inay go,aan ka gaarto Kiiskooda.