Dowlada Fadaraalka Oo canbaaraysay Weerarkii Saldhiga Kenya

BAYAANKA XUKUMADDA DHEX DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA WAXAA AY CANBAAREYSAY DHIBAATOOYINKA SHAQAAQO ABUURKA BARIGA AFRICA GAROONKA AIRFIELD DALALKA MAREYKANKA IYO KENYA IYO SOMALIA
KA DHAXEEYO GEESKA AFRICA UGU WAYN

MUQDISHO, Jan 5, 2020: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku biirtay adduunka intiisa kale iyagoo dhalleeceeyay weerarka fulaynimada ah ee lala beegsaday ciidamada isku dhafka ah ee Kenya iyo Mareykanka ee fadhigoodu yahay garoonka Manda Bay Airfield, Kenya arintaas ayay sheegtay in ay ka xuntahay wixii dhacay

Weerarka fashilmay ee ka dhashay burburintii kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab oo loogu talagalay difaaca shaqaalaha iyo hantida ayaan carqalad ku noqon doonin dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo kuwa ka soo horjeeda nabadda iyo xasilloonida gobolka
Geeska Africa

Intaa waxaa sii dheer, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sidoo kale ku amaaneysaa Ciidamada Difaaca Kenya iyo Taliska Mareykanka ee caawinta bariga africa inay si deg deg ah uga caabiyeen weerarka,
sidaasna ay ku guuldarastay wuxuu ahaa Ururka Argagixisada ah ee Al-shabaab.

Sidaas darteed, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay xaqiijineysaa taageero buuxda oo ku aaddan dadaallada socda ee lagu ciribtirayo argaggixisada

waxaana sii wadi doona wada shaqeynta aan la leenahay saaxiibadayada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo helo nabad iyo barwaaqo gobolka bariga Africa iyo wixii ka dambeeya.

Dowlada somaliya wixii ka dhaco somalia
Degdeg ugama tacsiyayso sidee wax u jiraan
Dalka masuuliyadiisa ayadaa loo doortay
Masuuliyiinta qaranka somaliyeed
Shaqaalo dalka lahayn miyaa

DEGDEG BAY UGA JAWAABTAY DOWLAD DHEX WIXII DHACAY KUNA CANBAAREYSAY