Gen. Qaasim Suleymaani oo maanta lagu wado in lagu aaso dalka Iran.

Waxaa maanta dalka Iran lagu aasayaa Jeneraal Qaasim Suleymaani, kaas oo maalintii Jimcaha lagu dilay meel u dhaw garoonka diyaaraha magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq.

Diyaarad khaas ah ayaa soo qaaday maydka General-ka, waxaana garoonka ay diyaaradaasi kasoo degtay ku sugnaa saraakiisha ugu sareysa Iran.

Maydka ayaa waxaa lagu wadaa in la geeyo magaalada Ahvaz ee ku taalla Koonfurta Galbeed ee dalkaasi Iran, halkaasi oo lagu aasi doono.

Kumanaan kun oo shacab ah ayaa u diyaar garoobeya in ay ka qeyb qaataan Salaadda Janaasada, waxaa kaloo lafileyaa in aaska Jeneral Qaasim Suleymaani, uu kasoo qayb geli doono Aayaatullaah Cali Khumeyni hoggaamiyaha ugu sarreeya dalkaasi Iran