Madaxweyne Axmed Madoobe oo ku wajahan Degaanada Puntland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaan (A. Madoobe), ayaa lagu wadaa inuu socdaal ku imaado Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, sida ay Shabakadda Idil News u xaqiijiyeen Masuuliyiin katirsan Madaxtooyadda Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sida qorshuhu yahay imaanaya Magaalada Garoowe horaanta Todobaadka soo socda, waxaana uu kulamo la yeelan doonaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu wadaa inay ka wada-hadli doonaan arrimo ku saabsan doorashada 2020/2021 ee Soomaaliya iyo xiriirka dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada dalka.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlaa tabashooyin bulshada kasoo jeeda Beesha Harti ee ku nool Degaanada Jubaland ay ka qabaan Maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Si kastaba ha ahaatee, socdaalka la filayo in todobaadka soo socda uu ku yimaado Madaxweyne Axmed Madoobe Garoowe, ayaa noqonaya kii ugu horeeyay tan iyo dib u doorashadiisii, oo ay Puntland ku Bixisay taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale.