Mahdi Maxamed Faarax oo loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada C/casiis

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish, ayaa maanta waxa uu guddoommiye cusub u magaacabay degmada Cabdul Casiis ee Gobolka Banaadir.

Wareegto ka soo baxday xafiiska duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa waxaa lagu magacaabay Mahdi Maxamed Faarax in uu noqon doono guddoomiyaha degmadaasi Cabdul Casiis.

Guddoomiye Mahdi ayaa waxaa uu duqa Muqdisho uga mahaceliyay magacaabitaasi uu magacaabay, isagoo dhinaca kale balan qaaday in hawlaha loo igmaday uu u gudan doono si wanaagsan.

Guddoomiyihii hore ee degmada Cabdul Casiis ayaa waxa uu ku geeriyooday qaraxii ka dhacay xarunta dawladda hoose ee Xamar 24-kii July ee sanadkii hore 2019, isaga iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid ahaa guddoomiyihii gobolka ahaana duqii hore ee Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow.