Maxay ka wada-hadleen Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Amb. James Sawan ?+Sawirro

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Guddoomiye Xaashi iyo Wakiilka QM James Swan ayaa ka wada-hadlay qodobbo ay kamid yihiin sharciga doorashada, kaas oo hor yaalla hadda Aqalka Sare.

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay sharcigan tilaabo taariikhi ah oo loo qaaday dhanka dhismaha nabadda, isagoo boorriyey in wakhtigiisa lagu meel mariyo si uu ula jaan qaado doorashada 2020.