Puntland oo bilowday diiwaan-gelin qeybtii labaad ee Ciidanka Daraawiish-ta (Sawirro)

Ciidamada lagu tababarayo Xerada Xorgoble ee Magaalada Qardho ayaa maanta loo bilaabay in la diiwaan-geliyo iyadoo la adeegsano hanaanka Casrigga ah ee ( Biometric) kaas oo lagu diiwaan-gelinayo dhamaan xogta la xiriirta Ciidamada.

Ciidanka oo kamid ah Daraawiish-ta Dowladda Puntland ayaa diiwaan-gelintooda waxaa goob-joog ka ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiish-ta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, Guddoomiyaha Gobalka Karkaar iyo Masuuliyiin kale.

Ciidanka Tababarku uga socdo Xerada Xorgable ee saaka lagu bilaabay diiwaan-gelinta casriga ah ee (Biometric), ayaa noqonaya qeybtii labaad ee Ciidanka Daraawiish-ta Puntland ee lagu diiwaan-gelinayo habkaan, waxaana horey loo diiwaan-geliyay Ciidanka Birmadka Madaxtooyadda iyo Guud ahaan shaqaalaha Dowladda.

Dhanka kale, Wasiirada Maaliyada iyo Amniga Puntland oo uu weheliyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland, Maamulka Gobolka Karkaar, Kan Degmada Qardho iyo Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyadda Yaasiin Cabdi Ciise ayaa maanta kormeer iyo booqasho ku tagay xeradda ciidamada Xorgoble.

Masuuliyiinta ayaa u kuurgalay hanaanka ay u socoto tababar la siinayo ciidamo ka tirsan Puntland oo Xeradda Xorgoble ku jirra, waxay kulamo la qaateen Maamulka Iyo Macalimiinta Xeradda.