Ra’iisulwasaare Kheyre oo magacaabay guddi ay shaqadoodu bilaabaneyso 4 bilood kaddib.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddiga qaban-qaabada xuska sanad guurada 60-aad ee maalmaha xorriyadda Soomaaliya ee 26-ka June iyo 1-da Luuliyo.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XF Soomaaliya ayaa loo magacaabay guddoomiyaha guddiga oo ka kooban 13 xubnood, kuwaas oo u badan wasiirro ka tirsan xukuumadda Kheyre.

Wasiir Maareeye oo ah guddoomiyaha guddigaas waxaa wehliya xubnaha kala ah, Wasiirrada Maaliyadda, Gaashaan-dhigga, Amniga gudaha, Dhallinyarada, Waxbarashada, Shaqada iyo Caddaaladda, guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Maareeyaha wakaaladda dhismaha, Agaasimaha Golaha wasiirrada, Agaasime ku-xigeenka guud ee Madaxtooyada iyo guddoomiyaha guddiga wacyi gelinta Qaranka.

Guddigan ayaa la sheegay in howshiisu ay ku egtahay laba bilood kaddib xuska maalmaha xorriyadda, waxayna shaqadoodu tahay inay qaban-qaabiyaan xuska maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da July ee sanadkan 2020-ka.

Sidoo kale, Guddiga uu hoggaaminayo Wasiir Maareeye ayaa la faray inay kaashadaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee heer gobol iyo heer degmo, waxaana xusid mudan in xiligan Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah Dowladaha xubnaha ka ah uusan wanaagsaneyn xiriirka u dhexeeya.

Xubnaha guddiga oo loo ogolyahay inay dhisan karaan howl-wadeeno ka hoos shaqeeya, ayaa waxaa xusid mudan inay shaqadoodu bilabaneyso afar bilood kaddib, waxayna dad badani is weydiinayaan waxa soo dedejiyey in xiligan la magacaabo xubnahan wasiirrada u badan.