Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaliilay Xukuumadda Madaxweyne Deni oo xukun lagu riday+VIDEO

Maxkamada Darajada kowaad ee Gobalka Bari ayaa maanta xukunno isugu jira xabsi iyo ganaax lacageed ku riday Odayaal iyo Siyaasi bil ka hor lagu xiray Magaalada Boosaso.

Maxkamada ayaa xabsi muddo saddex bilood ah iyo ganaax lacageed oo dhan $500 ku riday Siyaasi Muuse Cali Jaamac, Nabadoon Cabdullaahi Yuusuf Buuxe iyo Nabadoon Cawad Aadan Maxamed.

Halka laba sano oo xabsi iyo ganaax lacageed oo $1,000 ay maxkamadu ku riday Nabadoon Cabdicasiis Bayadhabo iyo Nabadoon Maxamuud Aadan Rooble.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1-aad ee Gobalka Bari Abuukar Cabdinuur Jaamac ayaa sheegay in xukmanayaasha ay ku cadaatay eedo ay kamid yihiin kicin dadweyne iyo aflagaado madaxda dowladda ah.