WAR DEG DEG AH: Qarax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Qarax gaari uu goor-dhaweyd ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland.

Qaraxan ayaa ahaa mid gaarigiisa loogu xiray Taliye ku-xigeenka Ciidanka Isku-dhafka ah ee Gobalka Mudug Gaashaan C/casiis Faarax Maxamed Istakiin, waxaana wararku sheegayaan inuu taliyuhu ku dhaawacmay.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News