Al-Shabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda Qarixii lala beegsaday Darawalkii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax lala eegtay Gaashaanle Cabdicasiis Faarax Maxamed (Istakiin) oo ahaa Madaxa Saadka Ciidamada isku dhafka ah ee xasilinta Gobolka Mudug.

Qaraxan oo ahaa mid gaarigiisa loogu xiray Gaashaanle C/casiis Istakiin ayaa xalay ka dhacay Xaafadda Siinay ee waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana kasoo gaaray dhaawac.

Sarkaalkan oo dhaawaciisa lagu dabiibayo mid kamid Isbitaalada Gaalkacyo ayaa horey u soo noqday Darawalka Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG aheyd AUN Col. C/llaahi Yuusuf Axmed.

Al-shabaab ayaa horey qarax ismiidaamin ah ugu dilay Taliyihii ciidanka isku dhafka Magaalada Gaalkacyo, Gaashaanle Sare Cabdi Xukun Cabdullaahi Maxamuud (Xoreeye). 28i-dii bishii Abril sanadkii 2018, waxaana inti ka dambeysay Al-shabaab ay dilal iyo dhaawacyo u geysatay ciidanka isku dhafka, si ay meesha uga saarto jiritaanka ciiddankaas oo loo aas aasay xasilinta Magaalada Gaalkacyo iyo Miyiga Gobalka Mudug.