Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise -sharciyeedka Batrooolka dalka+VIDEO

Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel-mariyey Hindise -sharciyeedka Batrooolka dalka, kaas oo muddunayaashu ay dood adag ka yeesheen kahor ansixintiisa.

Wasiirka Batroolka XFS Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Batroolka Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa hor-tagay Senatorada Golaha Aqalka Sare, iyadoona Xildhibaanadu ay su’aalo ka weydiiyeen.

Hindise -sharciyeedka Batrooolka Dalka ayaa waxaa horey usoo meel-mariyey Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana iminka xiga doona inuu madaxweynaha saxiixo, si uu sharci u noqdo.