Booliska Puntland oo qabtay rag gaari dhacay+VIDEO

Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa gacanta ku dhigay Labo nin oo dhacay gaari Taxi ah, kaas oo ay markii hore ay ka kireysteen Magaalada Boosaaso, ayna u kaxeysteen Degmada Carmo.

Taliyaha qeybta booliska Gobalka Bari G/SARE Xuseen Cali Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Boosaaso ayaa sheegay inay Ciidanku gacanta ku dhigeen saacad kaddib markii laga dhacay mulkiilihii gaarigan oo ah nooca loo yaqaan (Probakis), xilli uu ku safrayay Wadada xariirisa Boosaaso iyo Carmo.

G/SARE Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay inay Maxkamadda hor-geyn doonaan ragan, isagoona digniin u diray dadka ku kaca falalka dhaca iyo kuwa kale ee amniga ka dhanka ah.