Ciidamada Dowladda oo howlgal qorsheysan ka fuliyey Sh/Hoose (Sawirro)

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen tuulooyin hoostaga degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen deegaanka Ceel Saliini iyo deegaano kale oo hoostaga Magaalada Marka,waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayey.

Taliyaha Guutada 1-Aad ee Ciidanka Dhulka Col-Xassan Maxamed Abuukar oo hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in ay ku doonayeen howlgalkaas inay deegaano dhowr ah uga saaraan ururka Al-Shabaab.

Taliyaha ma sheegin inay dad ku qabteen howlgalka balse uu sheegay in uu ahaa mid ay ku xaqiijiyeen amniga tulooyin dhowr ah oo ku dhow Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in howlgalalda ay ahaan doonaan kuwa si joogta ah uga sameeyaan deegaannada kala duwan ee Gobolka Shabeellaha hoose si Al-Shabaab ay uga saaraan.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaalo u dhaxeeyey Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab dagaaladaas oo geystay khasaaro kala duwan.