Ciidamada Turkiga oo bilaabay in ay u dhaqaaqaan dhanka dalka Libya.

Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in ciidamadiisu ay bilaabeen in ay u dhaqaaqaan dhanka dalka Libya kadib markii Baarlamaanka dalkiisa ay meel mariyeen mooshin ciidamado loogu dirayo Libya.

Erdogan, ayaa ujeedka ciidamada ku sheegay in ay tahay sidii dowladda Qaramada Midoobe ay taageerto ay kaga caawin lahayd soo celinta xasiloonida.

Dowladda Libya ayaa dagaal adag kala kulmeesa xoogaga daacada u ah General Khaliifa Xaftar, kaas oo fadhigiisu yahay bariga dalkaasi.

General Xaftar ayaa taageero ka heesto dowladaha Masar, Imaaraatka iyo Sucuudga halka dowlada Tripoli’na ay taageero ka heesato dowladaha Qatar iyo Turkiga.