Ciidanka PSF-ta Puntland oo howlgallo ka fuliyay Buuraleyda Gobalka Bari.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Puntland ee PSF-ta oo ay wehlinayaan Ciidanka Badda ee (PMPF) ayaa howlgallo culus oo ka dhan ah Maleeshiyaadka Daacish ka fuliyay toga Miraale ee Gobalka Bari.

Howlgalkan oo dhacay 4-tii bishan Janaayo (jimcihii), ayaa Ciidanku ku dileen 4 kamid ah maleeshiyaadka Daacish, oo mid kamid ah uu ahaa Saraakiisha Kooxda oo ku sugnaa Toga oo 27-KM dhanka Bari ka xiga Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.

Sidoo kale, Ciidanka PSF-ta Puntland ayaa hawlgallo culus ka fuliyay gudaha Magaalada Boosaaso, iyagoona kusoo qabqabtay dad looga shekisan yahay Kooxda Al-Shabaab iyo Daacish oo tiradoodu gaaraysa 57 Qof.

Howlgaladan ka socda Magaalada Boosaaso iyo guud ahaan Gobalka Bari ayaa kusoo aadaya xilli la filayo in Boosaaso uu gaaro dhowaan Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.