Madaxweyne Deni oo kala diray Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa kala diray Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo-wareedyo rasmi ah.

Kala dirista Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Puntland ayaa timid kaddib markii uu Madaxweynhuhu wada-tashi dheer la yeeshay Guddiga amniga, kaas oo ku aadanaa fadeexado badan oo dul-hoganayay Maxkamadaha Ciidamada Puntland.

Ilo-wareedyo ayaa inoo sheegay in Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay eersadeen eedeymo la xariiri inay qaateen laaluus, sidoo kalena ay iibsadeen dambiilayaan katirsan Kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo dilal ka geystay Magaalooyinka waa weyn ee Puntland, gaar ahaan Magaalada Boosaaso.

Sidoo kale, Ilo-wareedyada ayaa sheegay in kiiksas sida gaarka ah loogu heysto Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland uu yahay Eedeysanayaal loo soo xiray dilkii Madixii Shirkadda DP World Paul oo la sii daayay, waxaana xoguhu sheegayaan inay macquul tahay in qaar kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Ciidanka qalabka sida ee Puntland lagu soo oogo dambiyo.

Kala dirista Madaxweyne Deni uu ku sameeyay Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaan weli lala wadaagin saxaafadda, iyadoona sidoo kale aysan jirin illaa hada cid loo magacaabay.