Maxaa kala socotaa khasaaraha Mareykanka kasoo gaaray weerarka Lamu ?

Warbixino ay daabaceen wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya ayaa saaka waxaa ciwaan looga dhigay in weerarka Al-shabaab ay ka fuliyeen lamu uu xiriir la leeyahay khilaafka u dhaxeeya iiraan iyo Maraykanka, islamarkaana aargudashadii iiraan ay ku hanjabtay ay tani qayb ka tahay.

Balse afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa beeniyay in xasarada siyaasadeed ee ka dhex taagan mareykanka iyo iiraan uusan sal isku laheyn, islamarkaana iyagu ay weerarkaasi qaadeen.

Khasaaraha kasoo gaaray Mareykanka weerarkaas ayaa lagu sheegay mid balaaran, waxaana wararku sheegay in lagu burburiyay weerarkaas diyaarado dagaal oo nooca qumaatiga u kaca ah, Baabuur dagaal iyo Hub, kuwaas oo yeelay saldhiga la weeraray ee Lamu.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada Difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in hal askari uu ku dhintay, halka labo lalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii weerar lala beegsaday xarunta milatari oo ku yaalla deegaanka Lamu ee Dalka Kenya