Maxkamadda Ciidanka qalabka sida Puntland oo xukuno dil ah riday+VIDEO

Maxkamadda sare ee Racfaanka Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Puntland ayaa xukuno ku riday shan nin oo kamid ahaa Ciidanka Puntland, kuwaas oo ku eedaysnaa inay dilal gaysteen.

Labo kamid ah eedeysanayaashan ayaa Maxkamadda Sare ee Racfaanka Ciidanka qalabka sida ee Puntland ku xukuntay bixinta magta dadkii ay dileen, halka saddexda kalena ay Maxkamaddu ku xukunta dil toogasho ah.

Eedeysanayaasha ay Maxkamaddu ku riday xukunka dilka toogashada ah ayaa waxaa kamid ah Axmed Aadan Maxamed Gaagaale oo ku eedaysnaa dil loo geystay sanadkii 2015-kii, allaha u naxariistee Taliyihii Garoonka Diyaaradaha Boosaaso Xassan Shire Amaan.

G/SARE Maxamed Aadan Jaamac oo ah Garsoore ka socday Maxkamadda Sare ee Ciidanka qalabka sida ee Dowladda Puntland ahna Guddoomiyaha kiisaska racfaanlayaasha ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda.