Puntland oo la tacaaleysa Cudur aan la aqoonsan weli oo ka dilaacay Degaanadeeda (Sawirro)

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa dhaqaatiir kala duwan waxaa ay u dirtey , deegaanka saaxdheer ee Koonfurta gobolka Sool,halkaas oo maalma ka hor uu ka dilaacey cudur aan weli la aqnoonsan,kaas oo ay u dhinteen Saddex ruux.

Cudurkaas ayaa soo ritey dad badan,waxaana Wasaaradu sheegtay in Kooxo dhaqaatiir ah loo direy deegaankaas,kadib markii baaqyo kala duwan ay kasoo baxeen Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka saaxdheer.

Kooxda Dhaqaatiirta ah ayaa waxaa ay qiimeyn ku sameyn doonaan dadka bukaanada ah ee isbitaalka Saaxdheer jiifa si loogu qabto baahiyaha Caafimaad oo ay qabaan.

Ugu dambeyn Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxaa ay sheegtay in Dhaqaatiirka deegaanka saxdheer ay u sheegeen in saddexdii cisho ee la soo dhaafay ay qaabileen in ka badan 200 boqol oo bukaan ah, kuwaasi oo uu soo ritay xanuunka halkaasi ka dillaacay.