Qorsho lagula dagaalamayo Ayaxa oo ka bilowday degaanada Galmudug (Sawirro)

Wasaaradda Beeraha Dowlad goboleedka Galmudug oo kaashaneysa Wasaaradda Beeraha xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ay deegaano hoostaga Magaalada dhuusamareeb ka bilaabeen qorsho lagula dagaalamayo Ayaxa.

Ayaxa ayaa waxaa uu ku degay beero badan oo ku yaalla Gobolka Galgaduud,isaga oo xaalufiyey dalagyo kala duwan oo lagu beeray,sida ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Howsha lagula dagaalamayo Ayaxa ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya Duqa degmada Dhuusamareeb Macalim Nuur Cilmi Garre,waxaana fulinaya Shaqaale sigaara loo tababaray.

Ayaxa ayaa waxaa uu dhibaato badan ku haayaa Beeraleyda ku nool deegaano ka tirsan Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, iyada oo dadba sidii ay doonaan ay ula dagaalameen.