Saameyn intee le’eg ayay u geysteen Roobabkii dayrtu Degmada Eyl ? (Sawirro)

Wasiirka wasaaradda Deegaanka Beeraha iyo isbedelka Cimilada Prof, Ismaaciil Diiriye Gamadiid iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo oo ay kamidyihiin agaasimaha guud ee wasaarada Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor”, agaasimeyaal, injineerada wasaarada iyo xubno kale ayaa booqday degmada Eyl ee gobolka Nugaal halkaas oo ay sahmin iyo qiimayn dhab ah kusoo samaynayeen baaxada saamaynta ay ka dhalatay duufaantii “Pawana”ee dhawaan ku dhufatay qaybo kamid ah xeebaha Puntland.

Waftigaan ayaa intii ay kormeerka kujireen la kulmay madaxweynihii hore ee Puntland oo hadana ah Senator ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka dawlada federaalka ah ee Soomaaliya Mudane, Cabdiraxamaan Maxamed Maxamuud “Faroole”, maamulka degmada Eyl iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Sidoo kale Waftigu waxya soo booqdeen qaarkamid ah beerihii Degmada Eyl oo ay guud ahaanba Duufaantii Baabi’isay, xarumaha beeraha ee samaynta wayn ay ku yeelatay Duufaanta iyo saamaynta Deegaanka, Dhuldaaqsimeedka iyo guud ahaan Deegaanka ay ku yeelatay Duufaantu, Waftiga ayaa qiimayn kadib sheegay in wasaaraddu ay si degdeg ah ay wax uga qaban doonto guud ahaan arimahaas.