Safiirka Mareykanka oo ku wajahan Kismaayo & ujeedada socdaalkiisa

Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaiya Amb. Donald Yamamoto, ayaa la filayaa inuu 9-ka bishan Janaayo (Khamiista), uu gaaro Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Socdaalka Danjire Yamamoto oo la qorsheynayay bartimihii bishii Decamber ee sanadkii tagay, ayaa dhowr jeer dib u dhac ku yimid, iyadoona uu ugu dambeyntii uu u baaqday fasaxyadii Ciida Kirismaska iyo Sanadka cusub awgood.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Magaalada Garoowe laga sugayay tan iyo horaantii December 2019,a yaa u hakaday booqashada Yamamoto oo muhiim u ah Jubbaland.

Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaiya Amb. Donald Yamamoto, ayaa la kulmi doona Madaxweyne Axmed Madoobe, kaas oo ay ka wada-hadli doonaan arrimo ay kamid yihiin Doorashada Dalka ee 2020-2021, Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland iyo dagaalka lagula jiro Argagixisada Al-Shabaab.

Safarka Amb. Donald Yamamoto, ee Magaalada Kismaayo ayaa muujinaya aqoonsiga Beesha Caalamka ee dib u doorashadii Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay kahor timid Dowladda Federaalka, waxaana horey u gaaray kismaayo dhowaan qaar kamid ah safiirada caalamka ee Soomaaliya oo uu kamid yahay Wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan.