Al-Shabaab oo mar kale weerartay Saldhig ay lee yihiin Ciidanka Kenya

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ka geysatay degaanka Saretho oo duleedka ka ah Magaalada Gaarisa ee xarunta Gobalka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Taliye ku-xigeenka Booliska Magaalada Gaarisa Kibet Bowen, ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay soo weerareen Saldhig ay Ciidamada Booliska Kenya ku lee yihiin degaanka Saretho oo u dhow xerada qaxootiga ee Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari.

Sidoo kale, Taliye ku-xigeenka ayaa sheegay inay weerarkaas ka hortageen, isla markaana ay dileen laba kamid ah xubnaha Al-Shabaab ee weerarka salhdiga kusoo qaadey, wallow fah faahin intaasi ka badan uusan bixin.

Dhinaca kale, Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkaas, ayaa ku baahisay baraheeda Internet-ka inay dileen laba askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya,sidoo kalena ay gubeen xarun ay lee dahay Shirkadda Isgaariinta Safaricom.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad oo todobaad gudihiis ay Al-Shabaab ka fuliyaan Gudaha Kenya, waxaana ay horey uga fuliyeen Xerada Ciidamada Cirka ee Kenya iyo Mareykanka ku leeyihiin Gobolka lamu.