Boosaaso: Weerar Bam-gacmeed ah oo lagu qaaday Guriga Wasiir Dhado

Wararka la imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari ayaa sheegay in weerar Bam-gacmeed ah lagu qaaday guriga Wasiiru-dowlaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda  Puntland Yuusuf Maxamed Waceys Dhado.

Wararka ayaa sheegaya in hal askari uu ku dhaawacmay bam-gacmeedkan lagu tuuray guriga Wasiir dhadho.

Ciidanka amniga Dowladda  Puntland ayaa gaaray Guriga Wasiirka ee Bamka lagu weeraray, iyagoona haatan ka wada howlgallo agagaarkiisa.

Wasiiru-dowlaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda  Puntland Yuusuf Maxamed Waceys Dhado, ayaa horey u soo noqday Guddoomiyaha Gobalka Bari, isagoona sidoo kale kamid ganacsatada waa weyn ee Magaalada Boosaaso.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.