Ciidamo Soomaali iyo Mareykan ah oo weeraray Al-Shabaab

 Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa howlgal ay ka fuliyeen gobolka Jubbada hoose waxaa ay sheegeen in ay ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Howlgalkan oo ay qeyb ka ahaayeen diyaaradaha Mareykanka ayaa waxaa ay duqeyn la beegsadeen fariisimo ay ku sugnaayeen xoogagga Ururka Al-shabaab iyaga oo sheegay in ay gaarsiiyeen khasaare  xoog leh.

Duqeyn sidoo kale diyaaradaha Mareykanka ay ku fuliyeen degmada Jamaame ee gobalka Jubbada Dhexe,halkaas oo saraakiisha  Ciidamada Dowladda ay sheegeen in ay dhalinyrao ku tababarayen  Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in howlgalka oo ahaaa mid qorsheysan dhamaanba goobaha la bartilmaameedsaday ahaayeen fariisimo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-shabaab.