Duqeymo culus oo ka dhacay Degaano katirsan Gobalada Jubbooyinka

Diyaarado dagaal ayaa xalay duqeymo culus ka fuliyay xarumo ay ku sugnaayeen xubno katirsan Ururka Al-Shabaab oo ku yaala Gobolada Jubbooyinka.

Duqeymaha ayaa ka kala dhacay degmooyinka Jilib, Jamaame iyo deegaanka caga libaax oo dhamaantooda ka tirsan gobalada Jubbooyinka, Dadka degaanka ayaana sheegay in ay arkeen diyaarado jawi hoose ku duulaya kuwaas oo duqeymo ka fulinaya deegaanadaas.

Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga ayaa xaqiijiyay in dagaalamayaal iyo saraakiil katirsan Kooxda Al-Shabaab lagu dilay Degmooyinka Jilib, Jamaame iyo Caga-libaax, halka 4 xubnoodna nolashada lagu qabtay.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay duqeymo culus ka fulinayay saldhigyada kooxda Al-Shabaab ay ku lee yihiin Gobolada Jubbooyinka, kuwaas oo lagu dilay Maleeshiyaad iyo Saraakiil katirsan Kooxda.