Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya oo ka walaacsan in dib loogala laabto Maamulka Hawada.

Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya oo saddon sano kaddib ku guuleysatay inay la soo wareegto maamulka Hawada Soomaaliya ayaa wal wal ka qabto in markale dib loogala wareego maamulka Hawada.

Mudane Axmed Macalin Xasan Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa xusay in shirciga duulista rayidka ay wax badan uga xiranyahay howlaha hay’adda duulista.

“13 ka bishan waxaa Nairobi ka dhici doono shir looga hadlayo Hawada Soomaaliya, anagoo ugu horeyn nala wey diin doono sharcigii duulista Hawada” ayuu yiri.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaannada Golaha Shacabka in 4-tii bishan ay meel mariyeen sharciga Duulista rayidka ee Hawada, waxaana uu Xildhibaananda Golaha Aqalka Sare ka codsaday inay sharciga ansixiyaan, maadaama uu muhiimad gaar ah u leeyahay guud ahaan Soomaaliya.

Mudane Axmed ayaa tilmamay in Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ay hadda soo saartaa 22 milyan, haddii sharciga la ansixiyana ay hay’adda soo saari doontaa ku dhawaad 50 milyan oo doolarka Mareykanka.