Madaxweyne Cagjar oo sheegay inay Somaliland kala hadli doonaa sii deynta Wariye Coldoon

Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar ayaa sheegay in ay Somaliland kala hadlayaan sidii xurriyadiisa uu u heli lahaa Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon.

Qoraal uu soo dhigey Barta Facebook soo dhacay Madaxweyne Cagjar ayuu ku sheegay in Cabdi Maalik uu yahay astaan u dhaxeysa Soomaali oo dhan, isla markaana dadaal ay ku bixinayaan sidii loo siideyn lahaa.

“Xukuumada deegaan-ku waxay isku dayaysaa markale inay kala hadasho, madaxwayne muuse biixi iyo xukuumada uu hogaaminayo somaliland. Samafale Abdimaalik muuse siduu xoriyadiiisa Uu u heli-lahaa! Abdimaalik sheikh muuse Waa Astaan Somaali kadhaxaysa” ayuu yiri Madaxweynaha DDS Mustafe Maxamuud Cagjar.

Maxkamadda Magaalada Hargeysa ayaa “8-dii Bishii july ee sanadkii tegay ee 2019” ku xukuntay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon 3 Sano iyo Lix Bilood oo xarig ah, kaddib markii ay xeer ilaalinta Somaliland ay ku eedeysay inuu u gefay qarannimada ay sheegato Somaliland, iyo aflagaado la sheegay inuu wariyuhu u geystay dugsiga abaarso.